Madaxweyne Xaaf oo caawa Xaalku ku xunyahay iyo labo Wado oo u furan

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xiligan wajahaya xaalad siyaasadeed oo aad u adag, waxa uuna u muuqdaa mid gabalkiisu uu sii dhacayo oo kadabada tagaya saaxabdiis Shariif Xasan iyo Cabdiweli Gaas.

Xaaf ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanaya dowlada federaalka , waxaana guul daradii ugu dambeesay Xaaf uu la kulmay maanta kadib markii wafdi ka socda dowlada caawa kula hoyanayaan Dhuuso Mareeb isaga oon waliba raali ka aheyn.

Madaxweynaha Waqtigiisu sii dhamaanayo ee Galmudug ayaa maanta soo saaray amar ah in aysan deegaanada Galmudug kasoo degi karin diyaarado sida Madaxda dowlada .hasa ahaatee amarkaasi waa buray Dhuuso Mareeb ayaana caawa lala joogaa.

Xaaf oo gabaad ka dhiganayay kooxda Ahlu Sunna ayaa u muuqda mid la cidleeyay oo looga baxay balamo kooxdaasi la gashay, waxaana Kooxda Ahlu Sunna Dhuuso Mareeb kusoo dhaweesay Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale

Kooxda Ahlu  Sunna ayaa lagu waramayaa in soo hoose u wada hadleen Madax katirsan Dowlada Nabad iyo Nolol iskuna fahmeenin  la dhabar jabiyo Madaxweyne Xaaf oo ka biyo diiday in uu xilka baneeyo sidoo kale la qabto doorasho.

Madaxda ugu sareysa ee Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ay aqbaleen in Madaxweyne Xaaf meesha ka baxo laguna qabto magaalada Dhuuso Mareeb shirar dib u heshiineed iyo doorashada maamulkaasi, waxaana Ahlu Sunna loo sameeyay balan qaadyo badan.

Madaxweynaha Xaalku ku xunyahay ee Xaaf ayaa hada waxaa u furan labo wado oo kala ah in uu magaalada Dhuuso Mareeb kaga dhawaaqo in uu is casilay iyo in uu duulo magaalada Gaalkacyo halkaasna saldhig ka dhigto isaga oo ah Madaxweyne magac u yaal ah inta laga dooranayo Madaxweyne kale.

Xaaf ayaa magaalada Dhuuso Mareeb ku joogay raali ahaanshaha kooxda Ahlu Sunna, waxaana Xaaf ku qasbanaan doonaa in wado kale uu raadsado hadii kooxdaasi si dhab ah dhabarka u xejiso .

Dowlada federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dhawaan la qabto doorashada Maamulka Galmudug meeshana ka baxaan Madaxda maamulka Galmudug ee waqtigoodu ku dhameestay khilaaf iyo waxqabad la’aan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -