Dowlada Masar oo deg deg u aastay Meydka Max’ed Mursi & Shaki soo shaac baxay (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi ayaa deg deg loogu aasay magaalada Qaahira saacado yar ka dib markii uu si lama filaan ah ugu dhintay maxkamad qaadeysay dacwado loo heystay.

Qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa ayaa aaska ka qaybgalay balse Waxaa loo diiday inay maydka qaataan si ay ugu aasaan degaankii uu ku dhashay bulshaduna uga qayb qaadato aaskiisa.

Telefeshinka dawladda ayaa sheegay in Mursi uu wadnuhu istaagay, balse hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa shaki badan ka muujinaya, iyagoo ku baaqay baaritaan madax banaan in lagu sameeyo sababta rasmiga ah ee geeridiisa, iyagoo xusay iney jiraan su’aalo badan oo ka taagan yihiin sidii loola dhaqmay xabsiga intii uu ku jiray.

Mursi oo ahaa nin diinta Islaamka ku dhagan ayaa xabsi ku jiray lix sano ka dib markii ay milatarigu xilka ka tuureen sannadkii 2013, isagoo ahaa madaxweynihii ugu horeeyey Masar ee si dimoqraadi ah loo soo doortay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Mursi ayaa waxaa xalay salaad janaaso ah loogu tukaday masaajidka barakeysan ee Al-aqsaa oo ay isugu soo baxeen falastiiniyiin badan oo ka murugeysnaa geeridiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -