Daawo Sawirada : Ciidamo loo diyaariyay in Al Shabaab ka saaraan deegaano ay heestaan

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqasho ugu tegay ciidamada xoogga dalka ee qeybta ka qaatay xoreynta Xudur, Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo ciidamo tababar kasoo baxay, oo la qarameynayo si ay qayb uga noqdaan ciidanka xoogga dalka ee loo qorsheynayo xoreynta deegaannada al shabaab uga sugantahay gobalka Bakool.

Mudane Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiirka difaaca dalka iyo madaxweynaha koonfur Galbeed oo ciidanka kula hadlay garoonka kubbada Cagta Dr. Waarebi ayaa sheegay in dhammaan ciidamada la qarameynayo, la qalabeynayo, xuquuqdoodona ay dowladdu bixineyso si ay cadawga uga dul-qaadaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Tiyeglow iyo Rab-dhuurre.

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa sheegay in muhiim ay tahay in lala shaqeeyo mas’uuliyiinta diiwaan gelinaya ciidamada, ee dhawaan imaanaya magaalada Xudur si ay ugu fududaato gudashada waajibaadka ka saaran qarameynta ciidamada.

Dowladda Soomaaliya oo wada dadaallo xooggan oo dib-u-baheyn loogu sameynayo ciidamada qaranka ayaa ku guuleystay tirinta ciidamada qalabka sida, bixinta xuquuqdooda, iyo daryeelkooda, waxa ayna horay u qarameysay ciidamo badan oo lagu biiriyay ciidamada qalabka sida ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -