Allbanaadir.com
NEWS

Saddex Xildhibaan oo Daqiiqado gudahood kusoo baxay Doorasho aan lagu tartamin (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa saakay ka socota doorashada kuraasta xildhibaano kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa gobolada Waqooyi matalaya.

Doorashada saakay ka socota magaalada Muqdisho waxaa kursiga horeĀ  ee tirsigiisu ahaa HOP#226 ku guuleestay Marwo Maryan Maxamed Ciise kadib markii doorashada ka tanaasushay musharaxii la tartameysay Marwo, Khadiija Cali Warsame.

Kursiga labaad ee doorashadiisa saakay ka dhacday magaalada Muqdisho oo isna tirsigiisu yahay HOP#218 waxaa ku guuleestay Dr Maxamed Elmi Ibraahim kadib markii isna u tanaasulay musharaxii la tartamayay Abdiraxmaan Cismaan Xuseen.

Waxaa sidoo kale kursiga saddexaad oo tirsigiisu yahay HOP#270 ku guuleestay Abdiwahaab Cabdi Cumar oo doorashada uga tanaasushay Muna Axmed Diiriye oo la tartameysay.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ku matalaya gobolada Waqooyi ayaa inta badan noqday kuwa aan lagu tartamin oo xildhibaanada kusoo baxay horey usoo wateen musharaxiin malxiis ah oo doorashada kahor u tanaasulay.

Soomaaliya sanadkan doorashada ka socota ayaa u muuqata tii ugu musuqmaasuqa badneed ,waxaana inta badan doorashada noqotay kuwa loo xiray musharaxiin gaar loo watay kuwaa oo kusoo wada baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=yVc4ttxpHHw

Related posts

Al-Shabaab oo xanibaadii ka qaaday degmoyinka Bay & Bakool

Caydiid Ali

NISA oo dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo ku socotay Al-shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada iyo Ahlu Sunna oo Heshiis Cusub gaaray iyo Xildhibaano badan oo la siiyay Ahlu Sunna

Cabdi Cade
Taboola Ads ---