Maxaa sababay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay gudoonka Baarlamanka Hirshabelle?

Waxaa saacadihii ugu dambeeyey soo shaac baxay muran cusub oo u dhaxeeya Gudodomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo ku-xigeenka koowaad.

Khilaafkan ayaa yimid ka dib markii Guddoomiye Cismaan Barre uu Baarlamanka fasax geliyay isagoo jooga magaalada Muqdisho fariimana u kala diray xildhibaanada Maamulkaas.

Balse waxaa arrintaas ayaa waxaa ka hor timid guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise oo sheegtay in talaabadan ay tahay mid sharci darro ah oo waafaqsaneyn xeer hoosaadka Baarlamanka.

Shir jaraaid oo ay ku qabatay Magalada Jowhar ayay ku sheegtay in qof ka maqan gudaha Golaha Baarlamaanka uusan xiri karin kulamada, loona baahan yahay in gudoomiyuhu uu xaadir ku yahay fadhiga Baarlamanka.

Baarlamanka Hirshabelle ayaa ah mid fadhiid ah oo aan kulmin in ka badan saddex bilood taasoo loo aaneynayo gudoonka sare oo inta badan ka maqan Magaalada Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -