Kenya oo hadal ka soo saartay Wararka sheegaya in dalkeeda lagu arkay Ebola

Ka dib markii baaritaan lagu sameeyay haweeney iyo dad kale oo lagu tuhmay iney qaadeen cudurka Ebola ayaa dowlada Kenya waxay shaacisay in cudurkan uusan ka jirin dalkeeda.

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Sicily Kariuki ayaa sheegtay in haweeneyda iyo dadka kale ee la tuhmay aysan qabin Ebola iyo cudurada kale ee dhiig baxa sababa, ayna taas ku xaqiijiyeen baaritaan ay sameeyeen.

“Waxaan u xaqiijinaynaa shacabkeena haddii aan nahay madaxda Wasaarada Caafimaadka inuusan dalka ka jirin cudurka Ebola, waxaana diyaar u nahay sidii looga hortagi lahaa cudurkan iyo tallaabooyin looga jawaabayo” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka dalka Kenya oo lagu daabacay warbaahinta dalkaas.

Saddex qof oo ay ku jirtay haweeney Kenya ka soo gashay dalka Ugandha ayaa shalay lagu tuhmay caabuqa safmareenka ah ee Ebola, iyadoo sida laga warqabo dalka Ugandha laga helay kiisas la xiriira cudurkan oo ka soo galay xadka ay la leedahay Congo DR oo Ebola uu fara ba’an ku hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -