Qarax Xoogan oo goordhaw ka dhacay Meel ku dhaw Koontaroolka Baar Ismaaciil

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goordhaw meel ku dhaw Koontaroolka Baar Ismaaciil uu ka dhacay qarax aad u xoogan.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid jugtiisa si weyn loo maqlay, lamana oga wali in qaraxan uu yahay ismiidaamin iyo mid kale, waxaana goobta qaraxu ka dhacay la sheegay in ay joogeen ciidamo iyo dad shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo badan oo isugu jira booliiska iyo milatari.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxa kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -