Al-Bashiir oo mar kale la soo taagay Maxkamad iyo dacwado lagu soo oogay

Madaxweynihii xukunka lagu tuuray ee dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir, oo dalka xukumay muddo 30 sano ah, ayaa maanta kasoo hormuuqday maxkamad ku taalla magaalada Khartoum, isaga oo wajahaya dacwado musuq-maasuq.

Xafiiska dacwad oogaha ayaa ku war geliyey Al-Bashiir inuu wajahayo dacwado la xiriira “haysashada lacag qalaad, musuq-maasuq iyo haddiyado uu si sharci darro ah ku qaatay.”

Bishii April, hoggaamiyaha militariga ah ee hadda xukuma Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in, in ka badan 113 milyan oo dollar oo ah kaash ka kooban saddex lacago qalaad ah, laga helay guriga Al-Bashiir.

Bishii May, dacwad oogaha guud ayaa sidoo kale sheegay in Al-Bashiir lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka dad shacab ah, intii ay socdeen dibad-baxyada ka dhanka ah maamulkiisa, ee ugu dambeyn hoggaamiyey in xukunka lagu tuuro.

Al-Bashiir, oo 75 jir ah, ayaa si qasab ah xukunka looga tuuray 11-kii April, kadib bilo ay socdeen dibad-baxyo ka dhan ah taliskiisa.

Dibad-baxyada ka dhanka ah Al-Bashiir ayaa billowday 19-kii December, kadib markii dowladdiisa ay saddex jibaartay qiimaha lagu iibsado rootiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -