Allbanaadir.com
NEWS

Malaayiin Dollar oo loogu deeqay deegaanadii dhawaan laga saaray kooxda Al-shabaab

Midowga Yurub, ayaa Muqdisho uga dhawaaqay mashruuc ku kacaya 4.5 Milyan oo EURO kaasoo loogu talagalay degaannada iyo degmooyinka laga saaray Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa laga fulinayo laga saaray Al-Shabaab ayaa loogu talo galay in laga sameeyo dhismaha saldhigyo boolis, qodista ceelal biyoodyo iyo rakibidda layrarka cadceedda ku shaqeeya.

Waxaa sidoo kale, mashruuca qeyb ka ah qabashada kulamo dib u heshiisiin ah, oo loo sameeyo dadka ku nool degaannada laga saaray Al-Shabaab.

Mashruucan ayaa laga fulin doonaa maamul goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Magaalooyin ay kamid yihiin Xarardheere, Ceeldheer, Maxaas, Matabaan, Teedaan, Raage-Ceele iyo Aadan Yabaal ayaa noqon doona meelaha ugu horeeya ee mashruucan ka faa’iideysan doona.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Shabaab oo degaanka Jacar ku soo bandhigay Macawisley ka tirsan Murusade (Sawirro)

Caydiid Ali

Donlad Trump oo dhambaal u usoo diray Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo

Cabdi Cade

Q/Midoobay oo si kulul u dhaleeceysay xukuno uu fuliyay Maamulka Taliban

Caydiid Ali
Taboola Ads ---