Xukuumada Somalia oo bilowday fulinta talaabo looga jawaabayo xayiraadii fiisaha Kenya (Akhriso)

Sida ku xusan qoraal wargelin ah oo  Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya u kala dirtay Hey’addaha  QM iyo kuwa deeqda bixiya,  wasaarada ayaan ka qeyb geli doonin dhammaan shirarka iyo Tababarada ka dhacaya magaalada Nairobi iyo guud ahaan dalka Kenya wixii hadda ka dambeeya.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii dhowaan dowlada Kenya ay fiisaha ama dal ku galka u diiday wasiiro iyo xildhibaano ka qeyb gali lahaa shir ka dhacayey Nairobi, iyadoo masuuliyiintaas qaarkood dib loogu soo celiyey dalka halka kuwo kalena baasabooro shisheeye oo ay heysteen lagu siiyey Visaha.

Wasaarada Caafimaadka ayaa ugu baaqday in shirarkaas iyo Siminaarada lagu qabto dalka gudihiisa ama loo wareejiyo dal kale, si howlwadeenada Wasaaradda ugu fududaato dhanka socdaalka.

Golaha Wasiirada Somalia ayaa soo saaray go’aan  Wasaaradaha faraya inay ku wargeliyaan Hey’adaha ay wada shaqeynta leeyihiin in shirarkii lagu qaban jiray Nairobi loo raro magaalooyinka Kigali, Kampala iyo Addis Ababa ama dalka gudihiisa.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADA CAAFIMAADKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -