Allbanaadir.com
NEWS

Ukraine oo loo fasaxayo in Dagaalka Ruushka u adeegsato Gantaalada riddada dheer

Dowladaha reer Galbeedka, ayaa ka fekeraya sidii ciidamada dowladda Ukraine loogu fasixi lahaa in daaalka ay kula jiraan ciidamada milatariga Ruushka u adeegsadaan gantaalada halista badan ee riddada dheer ee Ukraine loogu deeqay.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo la kulmay Ra’isuil Wasaaraha dalka Inguriiska Keir Starmer, ayaa kawada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen taageerada ay siiyaan dowladad Ukraine, si ay isaga difaacaan duullaanka ay kusoo qaadeen ciidamada Ruushka.

Joe Biden ayaa sheegay in iyaga iyo Ingiriiska ka go’antahay sidii ay taageero u siin lahaayeen ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira Ruushka, waxa uu intaa ku daray in laga fekerayo sidii Ukraine loogu oggolaan lahaa in loo fasaxo isticmaalka gantaallada riddada dheer.

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ugu deeqay dowladda Ukraine hub kala duwan ay  ku jiraan gantaallada riddada dheer, taa oo laga cabsi qabo in markii ugu horreysay dagaalka u adeegsadaan ciidamada Ukraine ee dagaalka is difaaca ku jira.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaana ka digay dagaal ay la galaan reer Galbeedka ,haddii ciidamada Ukraine ay adeegsadaan gantaallada ridadda dheer ay ugu deeqaan waddamada reer Galbeed qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Daawo Qoor Qoor “Degdeg haloo soo dhiso Xukuumad maadaama muddo 45 ah dalka laheyn Xukuumad !!

admin

Israsaaseyn caawa ka dhacday Magaalada Garowe iyo Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali

Qarax ay dad badan ku dhinteen oo maalintii labaad ka dhacay degmada Wanlaweyn

Caydiid Ali
Taboola Ads ---