Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo ka qeyb galay Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka K/Afrika (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa.

Madaxwynaha oo munaasabaddan kaga qeyb galay Magaalada Pretoria ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ramaphosa xilka cusub ee loo igmaday, isaga oo bogaadiyay horumarka ay dowladda iyo shacabka Koonfur Afrika ay ku tallaabsadeen.

Dhankiisa, Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa uga mahad celiyey wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida ay u ajiibeen marti qaadka uu u fidiyey ee ku aaddan in ay goob joog ka noqdaan munaasabadda uu xilka kula wareegayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku suganyahay Koonfur Afrika waxa uu kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan, isagoona u kuur galaya xaaladdooda iyo caqabadaha haysta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari helay Lacag ka badan 40-kun oo Dollar oo dib ugu celiyay dadkii lahaa

Cabdi Cade

Kulan Magaalada Doha ku dhexmaray Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Farmaajo

Caydiid Ali

Xaalad adag oo soo wajahday Qaxootiga Siiriya ee ku nool dalka Denmark

Caydiid Ali
Taboola Ads ---