Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Xoghayihii Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo lagu xiray magaalada Hargeysa

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland lagu xiray Xoghayihii Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumada Soomaaliya.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa xalay magaalada Hargeysa ka dhax qabtay Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ahaa xoghayihii gaarka ee Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Xoghayaha ayaa la sheegay in uu dhawaan ka tagay magaalada Muqdisho una tagay Hargeysa qoyskiisa oo kunool si uu farxada ciida ula soo qaato, balse xalay gacanta ku dhigeen ciidamada Somaliland.

Somaliland ayaan wali ka hadlin xarigan ay u geesteen Xoghayaha  Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, waxa ayna Somaliland horey deegaanadeeda uga mamnuucday Siyaasiyiinta kamid noqda dowlada Federaalka iyo dadka kale ee dowlada u shaqeeya

Xoghayahan xalay lagu xiray magaalada Hargeysa ayaa sidan oo kale marar badan horey ugu tagay magaalada Hargeysa, waxaa sidoo kale jira dad u shaqeeya dowlada Federaalka oo deegaanada Somaliland si caadi ah u taga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in xilka laga qaaday Gudoomiyihii Guddiga Doorashada heer Federaal?

Caydiid Ali

RW Khayre oo xalay socod ku maray qaar ka mid ah Jidadka Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---