Maxamed Mursal oo Warbaahinta la hadlaya iyo Khilaafka Madaxda sare oo laga cabsi qabo in uu …

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la filayaa saacadaha soo aadan in uu Warbaahinta kala hadlo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Madatooyada.

Wariyaasha ayaa looga yeeray xafiiska gudoomiyaha golaha shacabka ku leeyahay Villa Hargeysa, waxaana la filayaa in Gudoomiyaha ka hadlo mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo iyo go’doominta la sheegay in la galiyay.

Xubno aad ugu dhaw dhaw ayaa laga soo xigtay in Gudoomiyaha golaha shacabka la filayo in si adag uga hadlo khilaafka ka dhashay mooshinka Xildhibaano katirsan golaha shacabka kasoo gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa saacadahihii lasoo dhaafay latashiyo la lahaa Xildhibaano iyo qaar kamid ah la taliyaashiisa, waxaana Gudoomiyaha uu qorsheenayaa in uu ka hadlo khilaafka ka dhashay mooshinka iyo waxa uu salka ku hayo.

Maxamed Mursal ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa in uu ka hadlo arimo sii fogeyn kara khilaafka xoogan ee hada taagan iyo is fahmi waaga xiligan kala dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Waxaa aad loogu dhagtaagayaa hadalka kasoo yeeri doona gudoomiyaha golaha shacabka oon wali ka hadlin mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha iyo cadaadiska uu kala kulmayo Madaxtooyada Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Madaxtooyada galisay go’doon siyaasadeed loona diiday xildhibaanada iyo dad kale ee u socday in ay si sahlan ugu gudbaan lana kulmaan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha amuurtan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -