Mas’uuliyiin cusub oo loo magacabay Maamulka Puntland ee gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda
Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya
aragnimadooda shaqo

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

2. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug.

3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug.

4. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kusoo saaray Xeer Madaxweyne Lr ,26, May, 25, 2019 bedelid ku meel gaar ah, rukhso garsoorayaasha maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Mudug, tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Tala soo jeedinta guddiga
sare ee garsoorka Dowladda
Puntland

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Maxamed Maxamuud Jamaac oo ahaa garsoore maxkamadda derejada 1-aad ee Xarfo si kumeel gaar ah loogu bedeley Guddoomiyaha Maxakamadda derejada 1-aad ee Gaalkacyo.

Waxaa la rukhseeyey garsoorayaasha maxkamadda derejada 1-aad ee gobolka Mudug, tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -