Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gaari goor dhow ku qarxay Isgoyska Km-4 iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Mqudisho caasimada Somalia kaasoo jugtiisa laga maqlay meelo badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay agagaarka isgoyska mashquulka badan ee Km-4 ee magaalada Muqdisho ka dib markii uu qarxay gaari qarax lagu soo dhejiyey oo uu watay qof shacab ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan uu ku dhaawacmay ninkii watay gaariga oo loola cararay goobaha Caafimaadka.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qofka dhaawacmay ee gaariga watay uu ahaa nin u dhashay dalka Turkiga oo howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka ayaa goobta gaaray, iyagoo baaritaano halkaas ka sameeyey, waxaana dib loo furay socodka gaadiidka isgoyska Km4 oo qaraxa ka dib muddo kooban hakad galay, iyadoo qaraxan uu nqonayo kii ugu horeeyey ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii la guda galay bisha Ramadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Qaacida oo sii deysay Dhaqtar reer galbeed ah oo todoba sano u afduubnaa (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad Carbeed oo ka shaqeesay in Heshiis Xabad Joojin ah gaaraan Falastiin iyo Israa’iil

Cabdi Cade

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay Xuseen Caddow Jilib-gaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---