Qaraxyo ka dhacay dalka Imaaraadka iyo Haamo shidaal oo gubanaya

Qaraxyo ayaa laga maqlay Dekedda magaaladda Fujayrah ee dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo wararku sheegayaan iney gubanayaan qaar ka mid ah haamaha shidaalka ee dekeddaasi yiilay.

Sida ay dad goobjogayaal ah sheegeen Dayuuradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Faransiiska ayaa dul heehaabayey dekeda agagaarkeeda xiliga ay qaraxyadu dhacayeen.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in qaraxyadu dhaceen inta u dhexeysay 4:00 iyo 7:00 subaxnimo saacada maxaliga ah, mana cadda qaraxyadan inay ahayaeen weerar iyo iney ka dhasheen shil ka dhacay dekeda, sidoo kale lama oga khasaaraha ka dhashay.

Dowladda Imaaraadka ayaa si weyn iskugu deyaysa iney xakameyso xogta ku saabsan qaraxyadii dhacay, iyadoo war goor dhow ay baahisay wakaalada wararka ee dalka Imaaraadka si weyn loogu beeniyey qaraxyadan, iyadoo sheegtay in wararkan ay faafinayaan kooxda Ikhwaanul Muslimiin iyo dalalka Iran iyo Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -