Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay Xuseen Caddow Jilib-gaab

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Bay waxay kuĀ  khaarajiyeen Sarkaalkii u qaabilsanaa Al-Shabaab gobalada Bay, Bakool iyo Gedo.

Ururka 47-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa fuliyay Howlgalka lagu dilay sarkaalkan oo Al-shabaab u qaabilsanaa wax loogu yeeray baada laga qaado jiray shacabka.

Howlgalkani waxaa Ā uu ka dhacay nawaaxiga degaanadaĀ  Mooda-moode, iyoĀ  DaynuunaayĀ  gobolka Baay.

Taliyaha Ururka 47-aad guutada 8-aad qeybta 60-aad XDS X/lle Axmed Maxamed Nuur (Axmed Nuur Dhagey) ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka ay ku dileen Xuseen Caddow Jilib-gaab oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacago canshuuro lagu sheego oo laga qaado shacabka ah ee ku dhaqan gobolada Bay, Bakool, iyo Gedo.

 

Related posts

Xildhibaan Sanbaloolshe ”Masii wadi karno Dagaalka aan kula jirno Al Shabaab Haddii aan…Ā 

Cabdi Cade

Dalalkii ugu horeeyey Qaarada Afrika oo bilaabaya tijaabada talaalka Coronavirus

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo khudbad ka jeediyey Shirka madaxda EAC

Caydiid Ali
Taboola Ads ---