Dowlad Carbeed oo ka shaqeesay in Heshiis Xabad Joojin ah gaaraan Falastiin iyo Israa’iil

Dagaal hub culus la isku adeegsaday ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafay marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin waxa uu ku dhax marayay kooxda Islaamik Jihaad iyo ciidamada maamulka Israa’iil.

Dowladda Masar ayaana si degdeg ah u kala dhax gashay labada dhinac ee dagaalamayay, waxa ayna ugu dambeyn Masar ku guuleesatay in ay labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeyay gaaraan heshiis xabad joojin ah.

Sargaal katirsan sirdoonka dalka Masar ayaa sheegay in kooxda Islaamik Jihaad iyo Israa’iil  isku fahmeen heshiiska xabbad joojinta ah, kaas oo soo afjari doona dagaalkii ugu xumaa oo muddo sannad ah ka dhaca marinka Gaza.

Weeradada dhinaca cirka ah ay ciidamada Israa’iil ka geesteen Marinka Gaza ayaa wasaaradda caafimaadka ee Falastiin sheegtay in ay ku dhinteen 31-qof ay ku jiraan lix carruur ah, tiro kalana ay ku dhaawacmeen dagaalka iyo duqeynta barbar socotay.

Dagaalka ka dhax qarxay kooxda Islaamik Jihaad iyo Israa’iil ayaa la sheegay in uu ka dhashay xarig ciidamada Israa’iil u geesteen sargaal sare oo katirsan kooxda Islamik Jijaah iyo dil ay u geesteen wiil 17-sanno jir Falastiini ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -