Maxaa keenay in Macalimiinta ajnabiga ah laga saaro gobolka Soomaalida Kenya?

Dowladda Kenya ayaa tiro Macalimiin Kenyan ah ka saartay gobolka Soomaalida kaddib markii ay kordheen weerarrada Al-shabaab ay halkaas ka geysanayaan.

Guddiga Macalimiinta ayaa sheegay in dhowr Iskuul oo ku yaalla Bariga Mandhera ay macalimiin laā€™aan yihiin ka dib markii degaanka laga saaray macalimiintoodii lana geeyey meel amaan ah.

Isniintii ayey aheyd markii Al-shabaab ay weerareen saldhig Ciidanka Kenya ku lahaayeen degaanka Hareeri Hoosle oo u dhaxeeya Magaalada Mandhera iyo Carabia.

Al-shabaab ayaa ka toogtay Askari Boolis ah, waxaana ay saldhigga ka qaateen Hub iyo Raashin sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Weerarrada Al-shabaab ayaa cabsi ku abuuray barayaasha aan u dhalan degaanka, waxayna Ā taasi sababtay in halkaas laga wado

Al-shabab ayaa horey weeraro ugu geysatay Iskuulo iyo jaamacado ku yaalla waqooyi Bari Kenya, waxaana ku laayeen macalimiin iyo arday fara badan.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ayey ay Al-shabaab ka geysteen Jaamacadda Gaarisa sanadkii 2015kii waxaana halkaas ku dhintay 150 qof oo isugu jiray Ardey, Macallimiin iyo shaqaalaha Jaamacada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -