Maraykanka oo qabsaday Markab ay leedahay Kuuriyada Woqooyi & Xiisad laga cabsi qabo

Maraykanka ayaa sheegay inuu qabtay markab xamuul ah oo ay leedahay dowlada Kuuriyada Waqooyi, iyadoo ku eedaysay inuu cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran dalkaas ku xad gudbay.

Sida ay sheegtay Waaxda caddaaladda markabka waxaa uu waday dhuxul dhagax, taasoo ah waxa ugu badan ee ay dibadda u dhoofiso Kuuriyada Waqooyi balse Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn saartay.

Markabka ayaa markii u horraysay lagu qabtay Indonesia bishii Abriil ee sannadkii 2018, Waana markii koowaad ee Maraykanku qabto Markab Kuuriyada Waqooyi leedahay oo loo haysto in uu jabiyay cunaqabataynta caalamiga ah ee saaran.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka labada dal u dhaxeeya ka dib markii Kulan ay yeesheen hoggaamiyaha Kuuriyada Koonfureed Kim Jong-un iyo madaxweynaha Marayanka Donald Trump uu dhammaaday isagoon wax heshiis ah laga gaarin bishii Febraayo.

Maraykanku ayaa ku adkaysanaya in Kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasusho hubkeeda nukliyeerka ah, halka Pyongyang ay dalbatay in laga dabciyo cunaqabataynada saaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -