C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlay sababta uu ku diiday madasha xisbiyada Qaran

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha uu xisbigiisa u diiday inuu ka mid noqdo Madasha Xisbiyada Qaran ee magaalada Muqdisho dhowaan looga dhawaaqay.

Waxaa uu sheegay in markii hore ay soo bandhigeen in Madasha aysan yeelan hoggaan, kaliyana ay sameysato xiriiriye, maadaama aysan ku midoobin hal xisbi, balse ay hadda yeelatay hoggaamiye taasina ay iyagu u cuntami weysay..

“Xisbiga Wadajir ayaa go’aansaday in aan hadda laga mid noqon, doodaha madalada la xiriira dadka isku aragti kama ahan, hal hadaf ayaa wada leenahay in doorasho xilligeeda la qabto in laga wada shaqeeyo, maadaama madasha aheyd madal dadka aysan hal xisbi ka noqoneyn, qof walba madaxtinimadiisa, damaciisa iyo howlihiisa uu leeyahay in laga wada shaqeeyo doorashada sidii ay ku dhici laheyd, oo garoonka ciyaarta loo wada geli lahaa. ”ayuu yiri gudoomiyaha.

Wuxuu intaas ku daray in Madasha ay kala mideysan yihiin in laga wada shaqeeyo sidii ay u dhici laheyd doorasho la qabto waqtigeeda.

Xayiraadii la isku dayey in dhowaan lagu sameeyo Madaxweynayaashii hore ee dalka ayuu si kulul u cambaareeyey, wuxuuna ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya inay ilaaliso, Dastuurka dalka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -