Dal Afrika kuyaala oo loogu Deeqay Geel loogu tala galay in Argagaxisada kula dagaalamaan

Midowga Yurub ayaa geel badan ugu deeqay dalka Mauritania ee kuyaala Galbeedka Afrika, waxaana geelan loogu tala galay in qeyb ka noqdaan la dagaalanka waxa loogu yeeray argagaxisada gobolka.

Dowlada Mauritania ayaa lagu wareejiyay 250-neef oo Geel ah oo Midowga Yurub ugu deeqay, waxaana geelaasi lagu wareejiyay cutubyo katirsan ciidanka Milatariga gaar ahaan kuwa ka howlgala dhulka miyiga oo geela adeegsada.

Geela Midowga Yurub ugu deeqay dalka Mauritania ayaa la gaarsiiyay magaalada Achemin ee bariga ku taalla, waxaana dadka magaaladaasi aad ula yaabeen geela loogu deeqay dalkooda oo caan ku ah dhaqashada Geela.

Dalka Mauritania ayaa lagu tiriyaa dalalka ugu geela badan caalamka, waxaana tirada geela dalkaasi kunool lagu qiyaasay 3-Milyan halka dadka kunoolna dalkaasi lagu sheegay 4-Milyan oo qof.

Jeneral Masgaro Aould Sidi oo katirsan ciidanka dalka Mauritania ayaa sheegay in  Geelan hadiyadda ah ee ka timid Midowga Yurub la siiyay cutubkaa awrta rukuubta ah ee qeybta ka ah ciidanka dalkaas.

Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay geelan Midowga Yurub ugu deeqay mid kamid ah wadamada hodonka ku ah dhaqashada Geela, waxaana dad badan isweediiyeen halka Midowga Yurub ka keeneen geelan maadaama aysan dhaqan geela.

Midowga Yurub geelan ay ugu deeqeen dowlada Mauritania ayaa qeyb ka ah qorshe kaalmo ah oo dhan 14 malyan oo doolar oo reer Yurub ay ugu talogaleen in lagu caawiyo dowlada Mauritania.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -