Madaxweyne Trump oo saxiixay sharci ka careesiiyay dowlada Shiinaha

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay sharci si weyn uga careesiiyay dowlada Shiinaha, waxaana laga cabsi qabaa in arintan labada wadan ka dhax abuuro xiisad Siyaasadeed.

Donald Trump ayaa markii ugu horeesay saxiixay Sharci masuuliiin iyo saraakisha dalka Mareykanka u ogolaanaya in ay u safraan Taiwan islamarkana ay la kulmaan madaxda Taiwan.

Mareykanka ayaa dalka Taiwan aan horey ula laheyn wax xiriir diblumaasiyadeed, hasa ahaatee waxa uu dalkaasi uu ka iibin jiray hubka ,  Mareykanka ayaa sidoo kale dalkaasi ka taageeraan dhinaca ciidamada.

Dowlada Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan tahay gobol kamid ah dalka Shiinaha, waxa ayna kasoo horjeedaa in dal loo aqoonsado sidoo kale wadamada caalamka xiriir diblumaasiyadeed la sameestaan dowlada Taiwan.

Shiinaha ayaana ka carooday sharcigan cusub uu saxiixay Madaxweynaha dalka Mareykanka, waxaana la filayaa in dowlada Shiinaha ka jawaabto arintaasi ayna muujiso sida ay uga xun tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -