Dowlada oo ka hadashay Ujeedka Ciidamada cusub ee la geeyay Xarunta Baarlamaanka

Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa caawa ka hadashay ciidamo cusub oo saacadihii lasoo dhaafay la geeyay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga Gudaha Xasan Macalin Xuseen oo caawa Warbaahinta Shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay in ciidamo gaar ah la wareegeen xarunta golaha Shacabka ..

Waxa uu sheegay Wasiirka in Ciidamo booliis ah la geeyay xarunta golaha shacabka siĀ  ay xoojiaan ciidamada amaanka ee horey ugu sugnaa xaruntaasi, waxa uuna meesha ka saaray in xarunta Baarlamaanka la wareegeen ciidamada Koofiya casta.

” Wasaarada Amniga ayaa amartay in ciidamo katirsan booliiska la geeyo xarunta Baarlamaanka si amaanka xaruntaasi loo adkeeyo, masuuliyad ayaa naga saaran sugida amaanka xarunta Baarlamaanka ku shiraan ” Ayuu yiri Xasan Macalin.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Bashiir Cabdi Maxamed oo isna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo Xarunta Baarlamaanka la wareegay balse ciidanka la geeyay ay yihiin kuwa amaanka xarunta adkeenaya.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo katirsan booliiska lagu xoojiyay ciidankii horey u ilaalinayay xarunta Golaha Shacabka uu sheehay in ay ka dhacayaan kulamo xasaasi ah sidaa darteed amaanka loo xoojinayo.

Warkan kasoo baxay Wasaarada Amniga iyo taliska ciidanka booliiska ayaa kusoo aadaya xili Gudoomiyaha Baarlamaanka caawa sheegay in ciidamo cusub oo Xukuumada Soomaaliya dirtay ay caawa la wareegeen Xarunta Golaha ShacabkaĀ  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -