Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jarmalka Horst Seehofe ayaa ka dhawaajiyay hadal ka careesiiyay Muslimiita kunool dalkaasi, waxaa sidoo kale hadalkaasi aan jecleysan Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel.
Horst Seehofe oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka arimaha Gudaha Jarmalka ayaa sheegay in dalka Jarmalka uusan boos uga banaaneyn dadka Muslimiinta ah ee kunool dalkaasi.
Wasiirka ayaa hadalka u muuqda Islaam naceybka waxa uu ka jeediyay Munaasaasd uu kusoo bandhigayay Siyaasada cusub ee ku wajahayaan arimaha dadka soo galootiga ku ah dalka Jarmalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uu rumeysanyahay in Jarmalka lagu dhisay tiirar masiixiyadda ah, meelna uusan uga banaanayn Islaamka, isagoona intaa raaciyay in muslimiinta ku nool Jarmalka ay yihiin muwaadiniin, balse diinta islaamka aanan loo baahnayn.
Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa la sheegay in aysan jecleysan hadalka kasoo yeeray Wasiirka Arimaha gudaha, waxa ayna horey Angela u sheegtay in ay aaminsantahay in Islaamka uu qeyb ka yahay Jarmalka.
Muslimiinta kunool dalka Jarmalka ayaa sidoo kale aad uga carooday una cambaareeyay hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Arimaha gudaha Jarmalka, Muslimiinta kunool Jarmalka ayaa horey ula kulmayay falal cundsuriyad ah oo kaga imaaneysay kooxo xagjir ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com