Odoyaasha Buulo Burte oo Eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Hirshabelle 

Odoyaasha Dhaqanka degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxweynaha Hirshabelle iyo wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabelle, iyaga oo ku eedeeyay inay hurinayaan colaado sokeeye oo ka qarxa magaaladaas.

Odoyaasha oo shir ku qabtay maanta degmada ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wasiirka ay ku khasbayaan dadka deegaanka in la dhiso Gole Deegaan oo aan laga sameynin meel kale oo ka mid ah Hirshabelle.

Waxa ay sidoo kale Odoyaasha sheegeen inay aad ula yaabeen in dhismaha gole deegaan laga billaabo Buulo Burte, iyada oo degmada ay ku jirto go’doon, halka aan loo sameynin gole deegaan magaalooyinkii nabadda ahaa sida Jowhar, Balcad,B/weyne iyo Jalalaqsi, taasina ay tahay wax aan la fahmi karin.

Odoyaasha ayaa sheegay in cabashadooda ay kala hadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle iyo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, balse ay dhagaha ka fureysteen, iyadoo madaxweynaha oo ka dhoofay magaalada iyadoo ay taagan tahay xiisaddii uu abuuray wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Odoyaasha ayaa ugu baaqay madaxda Hirshabelle in ay waqti galiyaan sidii gole deegaan looga sameyn lahaa magaalooyinka nabadda ah ee xorta ah, halkii ay khasbi lahaayeen dadweynah Buulo Burte oo ka sugayay madaxda Hirshabelle inay go’doonka ka qaadaan. Waxay sidoo kale ugu baaqeen Hay’adda CRD inay qeyb ka noqon colaaddaas laga hurinayo magaalada Buulo Burte.

Ugu dambeyntii odoyaasha ayaa ugu baaqay madaxda sare ee Dawladda Federaalka, sida madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka arrimaha gudaha inay soo fara-galiyaan arrintan oo hurin doonta khilaaf keeni doona in magaalada laga qaxo oo ka baxdo gacanta dawladda maadaama madaxda Hirshabelle ay ku mashquuleen inay mashruuc ka dhigtaan dhismaha maamul deegaan aan mudnaan u lahayn dadweynah Buulo Burte.Waxay sidoo kale odoyaasha ugu baaqeen Dowlad goboleedka Hirshabeelle in lagala shaqeeyo waxyaabaha muhiimadda degdegta ah u leh degmada oo ay ka mid tahay furitaanka wadooyinka xiran oo saameeyey nolosha deegaanka iyo dadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -