Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo dilay xubno katirsan Al Shabaab dabna qabadsiiyay mootooyin

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 8-aad qeybta lixdanaad ayaa lagu dilay dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo qorsheenayay in weeraro geestaan.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidanka dowladda oo hayay xogta xubno katirsan Al Shabaab weerar ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Haween oo katirsan gobolka Baay, halkaas oo kooxdan iyo gaadiidkooda ku sugnaayeen.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay todobo nin oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxaa sidoo kale ciidanka dowladda halkaasi ku gubeen shan mooto oo nuuca Fekon-ta loo yaqaan oo ay wateen kooxda Al Shabaab.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa mararka qaar howlgalo qorsheysan ka fuliya deegaanno katirsan gobolada Baay iyo Bakool, waxaana howlgalladaasi marar badan lagu dilay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo wareegto ku Magacaabay xil cusub

Caydiid Ali

Abdelkadir Bensalah oo loo magacaabay Madaxweyne ku meel gaar ah

Caydiid Ali

Sargaal sare oo katirsan golaha dagaalka ee Israa’iil oo kahor yimid Qorshaha Netanyahu

Cabdi Cade
Taboola Ads ---