Duqa Muqdisho iyo Taliyaha booliiska oo xalay ku lugeeyay qeybo kamid ah Muqdisho (Daawo Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow), Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed ,Saraakiil katirsan Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Gudoomiye  kuxigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir aaa xalay kormeeray qeybo kamid ah Muqdisho.

Goobaha ay kormeerka ku tageen waxaa kamid ah Isgooska (Balagsii) Isgooska ( Baar-uwax) Isgooska (Cali Kamiin) isgooska ( Ex Contoral Balcad) Saldhiga Degmada Hiliwaa,Suuqa Xowlaha iyo sidoo kale ( Darmoonley) oo ah Contoralka laga soo galo Magaalada Muqdisho,

Ujeedka kormeerka oo ahaay u kuur galida arimaha Amniga iyo sidoo kale wada shaqeynta ka dhaxeysa laamaha amniga iyo bulshada ayaa masuuliyiinta iyo saraakiisha waxey socod dheer ah ku marayeen qaar kamid isgoosyada wadada Sodonka iyagoo ganacsatada iyo shacabka ku boorinaayay in ay kaalin ka qaatan hormarinta Bilicda Caasimada iyo Xasiloonideyda,

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dhiira galin ciidamada amniga iyo xoojinta Nabad-galyada Magaalada,

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay soo martay marxalada kala duwan oo adag haatana ay kujirto xil wanaagsan oo u baahan in lasii xoojiyo hormarkeda iyo xasiloonideyda,

Ugu danbeyn Duqa Magaalada Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed ayaa waxey booqdeen Degmada Hiliwaa ee Gobolka Benaadir halkaasi oo ay kula kulmeen Maamulka Degmada iyo saraakisha laamaha amniga ee Degmada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -