Guddiga doorashadda Galmudug ee Ahlu Sunna oo shaaciyey Habraaca Xulista Xildhibaanada

Guddiga doorashada Galmudug ee uu magacaabay Shiikh Shaakir ayaa shaaciyey Habraaca soo xulista Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug.

Guddiga ayaa sheegay in lagu saleysan doono xubnaha baarlamaanka Galmudug kii Cadaado lagu dhisay oo ka koobnaa 89 xildhibaan.

Qoraal ka soo baxay Guddiga ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay soo xuli doonaan 54 xubnood halka Madaxa Ahlusunna dhankooda soo xuli doonaan 35 Xildhibaan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com