Madaxweyne Putin oo amray in lasoo rido Diyaarad ay la socdeen in ka badan 100-qof

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in uu isaga shaqsiyan amray in lasoo rido diyaarad shacab ah sanadkii 2014-kii, kadib markii looga shakiyay in ay wado bam lagu qarxin lahaa ciyaarihii olimbikada magaalada Sochi ee dalkaasi ka dhacayay.

Filim soconaya muddo 2 saacadood ah oo Putin laga duubay, lana soo dhigay Internetka ayuu ku sheegay in lagu wargaliyay in diyaarad ka timid Ukrain, una socotay Turkiga, balse lasoo afduubay , lana doonayay in lagu qarxiyo ciyaarihii magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Balse waxa ay ahayd xog been abuur ah, diyaaradiina lama soo ridin markii dambe.

Filimkan ayaa waxa uu soo baxayaa waxyar ka hor inta aanan la galin doorashada madaxtinimo ee dhacaysa 18-ka bishan March.

Duuliyeyaasha diyaaradda Turkish Pegasus oo nooceedu ahaa Boeing 727-800 ayaa soo tabiyay in qof rakaab ah uu wato bam, diyaaradana uu ku amray in diyaarada meel kale loo weeciyo.

Daqiiqado kadib ayuu heley taleefoon loogu sheegay in qeylo dhaanta ay ahayd mid been abuur ah, waxna aysan ka jirin xogta ku aadaneyd in diyaarada uu bam saaran yahay.

Putin ayaa sheegay in saraakiisa sirdoonka ay u sheegeen in nidaamka uu yahay in haddii xaalad tan oo kale ay soo kororto in ay qasab tahay in diyaaradda lasoo rido, kadibna uu amar ku bixiyay in lasoo rido diyaaradda oo ay saarnaayeen 110 qof oo shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -