Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal Muqdisho ku dhax maray Ciidanka Nabad Sugida iyo Al Shabaab

Dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad sugida iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay xaafad katirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Ciidanka Nabad sugida ayaa xalay xili dambe weerar ku qaaday xaafada Qabuuraha Boqolka boos oo katirsan degmada Kaxda xaafadaas oo la sheegay in xiliyada habeenkii ah ay yimaadaan dagaalyahano Al Shabaab katirsan.

Dagaalka labada dhinac dhax maray ayaa la sheegay in uu socday daqiiqado badan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Weerarka ciidanka dowlada ku qaadeen xaafadan katirsan Degmada Kaxda ayaa daba socday dil shalay Xero barakac oo kutaala degmadaasi loogu geestay askari katirsanaa ciidanka Dowlada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Gorod oo soo saaray amar & digniin ku socota ciidamada Xoogga dalka

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo shir caalami ah kaga qeyb galaya Magaalada..

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo wada qorshe ay kaga hortageyso hubka Al Shabaab lasoo degaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---