Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay Magacyada iyo Qabiilada labo kamid ah ragii fuliyay Weerarkii lagu dilay …

Warbaahinta Al Shabaab ayaa laga baahiyay Wareysi laga qaaday labo kamid ah ragii weerarka ismiidaaminta iyo midkii tooska ahaa ku qaaday xarun magaalada Gaalkacyo ku lahaa nin lagu magacaabayay Cabdiweli Sheekh Cilmi Yare.

Weerarkan waxaa fuliyay dhoor dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab kuwaa oo intooda badan weerarka lagu dilay, waxaana dagaalyahanadan u suurto gashay in ay dilaan Cabdiweli Cilmi yare oo bartilmaameed u ahaa.

Al Shabaab ayaa sheegtay in Cumar Cabdullaahi Ciise oo ku magac dheer Cubeyd kana soo jeedaa Beesha Daarood gaar ahaan Warsangelin uu kamid ahaa ragii fuliyay weerarkii ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale ragii fuliyay weerarkii Gaalkacyo kamid ahaa Maxamed Sheekh Nuur Max’med  oo ku magac dheeraa Macallin Bishaar, waxa uuna kasoo jeeday Beelweynta Raxanweyn  gaar ahaan Yantaar.

Ragan Weerarka ku dhintay ayaa sheegay in ujeedkoodu ahaa in ay dilaan Cabdiweli Sheekh Cilmi yare oo ay sheegeen in  ay u gafay Nabi Maxamed NNKH , waxa ayna ugu baaqeen dagaalyahanada kale ee Shabaab in halkooda kasii wadaan dagaalka ay ku jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada Somalia oo War kasoo saartay Shirka Sadex Geesoodka ee ka dhacaya Asmara 

Caydiid Ali

MO Faarax oo Siwayn loogu soo dhoweeyay dalka Qadar (Daawo Video)

Caydiid Ali

Koobkii Qaarada Afrika ee ku guuleesteen xidigaha Qaranka Masar oo la xaday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---