Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey dab caawa qabsaday dhisme ku yaalla Suuqa Bakaaraha

Gaadiidka dab damiska shirkadda Hormuud iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa goor dhow salaadii cishe ka dib ku guuleystay iney damiyaan dab ka kacay qeyb ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabkan oo socday muddo saacad ka badan ayaa caawa maqribnimadii ka kacay dhismaha daarta Al-khaleej oo ku taalla qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa bakaaraha iyadoo wararku sheegayaan inuu ka dhashay Koronto.

Dabkan oo laga cabsi qabay inuu ku faafo qeybaha kale ee suuqa ayaa laga guuleystay ka dib markii lala gaaray gurmad deg deg ah oo sababay in la xakameeyo inta uusan faraha ka bixin.

Khasaaraha uu geystay dabkan ayaa la sheegay inuusan aad u badneyn marka loo eego dababkii horey u qabsaday Suuqaasi oo geystay khasaare aad u badan oo hantiyeed.

Dadka ganacsiga ku leh Suuqa ku leh ayaa walaac xoogan uu soo wajahay markii ay maqleen inuu dab ka kacay Suuqa Bakaaraha inkastoo hadda xaaladu degan tahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi Oo Soo Xiray Wejiga 1-aad ee Barnaamijka Shaqo Qaran (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mareykanka oo Digniin adag u diray Turkiga kana hor yimid howlgal ay qorsheenayaan

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo mar kale safar ku tagaya magaalada Cadaado

Cabdi Cade
Taboola Ads ---