Madaxweyne Biixi Oo Soo Xiray Wejiga 1-aad ee Barnaamijka Shaqo Qaran (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka carbiska dhallinyarada ee shaqo qaran oo muddo bilo ah ka socday deegaanka Darar-weyne ee duleedka caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda uu madaxweynuhu kusoo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa waxa ka qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka, qaar kamid ah madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee qaranka, hoggaanka barnaamujka shaqo qaran, siyaasiyiin, waxgarad, iyo haldoor kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku haya guulaha uu barnaamujkani u soo kordhiyey qaranka, dhiirigelinta dhallinyarada iyo sida uu wax uga taray isdhexgalka iyo is fahanka bulshada.

Agaasimaha guud ee Barnaamujka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’addinka), oo madasha hadal ka jeediyey hadal dhinacyo badan leh, ayaa ugu horrayn madaxweynaha  Somaliland uga mahadnaqay ku dhiirrashada iyo ka midho-dhalinta barnaamujka lagu carbinayo dhallinyarada ee shaqo qaran, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay tallaabadasaasi tahay mid hirgashay, guul wax ku ool ahna laga gaadhay, taasoo tusaale fiican u ah in horumar kasta oo gacmaha la isu qabsado laga midho dhalinkaro.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha ciidanka militeriga, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo hadallo ka jeediyey madasha lagu soo xidhay wejiga koowaad ee barnaamujka shaqo qaran, ayaa si isku mid ah u bogaadiyey mashruucan, waxana ay tilmaameen inuu barnaamujkani tusaale u yahay sida ay Somaliland iskeed u qabsan karto wax kasta oo ay u aragto inay horumarin karaan dadkeeda iyo dawladnimadeeda.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo soo xidhay wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, ayaa ammaanay mashruucan, isaga oo taxay ujeeddooyinka iyo natiijooyinka laga doonayo barnaamujka qaran ee shaqo qaran, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Shaqo qaran waa xarunta aynu doonaynno inuu caqliga Somaliland ka shaqeeyo oo uu hore u mariyo, shaqo qaran waxa aynnu ka rabnaa inay dadku noqdaan qaar If iyo Aakhiroba wax taransada, shaqo qaran waxaynu doonaynaa inay dadku ka helaan waajibka uu qaranku ku leeyahay, isagana uu qaranku ka helo xuquuqda qaranku ka rabo, ujeeddada aynnu shaqo qaran u Aas-aasnayna waa tabobar maskaxeed iyo mid jidheed.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xusay in baraanujka shaqo qaran ay kasoo aflaxeen guutooyin da’yar oo xooggoodu dihin yahay, kuwaas oo ay ka go’an tahay inay dalkooda horumariyaan,

“Waxa aan cod dheer cid walba ugu sheegayaa inay Barnaamujka shaqo qaran maanta u dareereen iyaga oo guutooyin xoog leh sidii ay dalkooda hore ugu marin lahaayeen ee ay mutadawacnimo ugu shaqayn lahaayeen, gobollada oo dhan, cadowgu haka naxo Somaliland-na haku faraxdo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhallinyaradan ayaa haatan wixii ka dambeeya geli doonta wejiga labaad ee Barnaamujka shaqo qaran, kaas oo noqon doona carbis shaqo (Internship) iyo adeeg bulsho (Social Service) is barkan, waxana ay muddada wejigan labaad ay noqon doontaa 9-10 (Sagaal ilaa toban) bilood, iyada oo in kabadan 120 (boqol iyo labaatan) kamid ah dhallinyaradan oo hablo iyo wiilal isugu jirtaa ay si iskood ah u doorteen inay ku biiraan ciidamada Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com.

- Advertisement -