Ra’isul Wasaare Kheyre oo mar kale safar ku tagaya magaalada Cadaado

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa beri la filayaa in mar kale safar dhinaca dhulka ah ku tagaan magaalada Cadaado.

Sida aan wararka ku heleyno Ra’isul Wasaare Kheyre iyo xubnaha la socda oo qorshahoodu yahay in ay gaaraan magaalada Gaalkacyo ayaa kusii hakan doona magaalada Cadaado oo marin u ah  Gaalkacyo.

Waxaa la filayaa in Kheyre saacado kooban uu Cadaado joogayo uu la kulmo waxgaradka ku dhaqan magaaladaasi si uu uga qanciyo tabashada ay ka qabaan in magaalada Dhuuso Mareeb marti galiso doorashada Galmudug .

Waxgaradka Cadaado ayaa ka hor yimid go’aanka Ra’isul Wasaare Kheyre ee ku aadan in doorashada ka dhacdo magaalada Dhuuso Mareeb, waxa ayna waxgaradka Cadaado shaaciyeen in aysan tageen magaalada Dhuuso Mareeb.

Magaalada Cadaado ayaa sidoo kale waxaa laga dhigay banaan bax looga soo horjeeday Go’aanka Ra’isul Wasaare Kheyre ku shaaciyay in magaalada Dhuuso Mareeb ka dhaceyso doorashada Galmudug.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale beri laga sugayaa in uu tago Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi gaaray wafdi horu dhac u ah safarka Kheyre ku tagayo magaalada Gaalkacyo.

Kheyre ayaa safar maalmo badan qaatay ku maraya deegaano iyo degmooyin katirsan Galmudug, waxa uuna Kheyre ka shaqeenayaa sidii loo dhisi lahaa maamul lagu mideysan yahay ee yeelato Galmudug.

- Advertisement -