Madaxwayne Cagjar oo lagu soo dhoweeyey caasimada Degaanka Oromada (Daawo Sawirro)

Madaxwaynaha dowlada degaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo waftigii uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Adama caasimada degaanka Oromiya ee dalka Itoobiya.

Waxaa si wayn ugu soo dhaweeyey halkaas masuuliyiinta sare ee deegaanka Oromada oo uu horkacayo Madaxwaynaha deegaanka Oromiya Shimallis Abdisaa.

Cagjar iyo wafdigiisa ayaa magalada Adama maalinta beri ah kaga qayb galaya shirka nabadaynta labada shacab ee Soomaalida iyo Oromada Itoobiya oo halkaas ka furmaya.

Soomaalida iyo Oromada oo ka mid ah qowmiyadaha ugu badan Itoobiya oo degaan ahaan deris ah ayaa sanadahan dambe waxaa dhexmarayey dagaalo soo laablaabtay oo sababay dhimasho, badan dhaawac iyo barakac baahsan, waxayna salkaku hayeen murano la xiriira lahaanshiyaha degaano ay wada degaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -