Allbanaadir.com
NEWS

Xamse oo tacsi ugu tagay qoyska Ugaas C/llaahi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi ugu tagey qoyska uu ka geeriyooday Alle u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in Ugaas Cabdullaahi, uu ka mid ahaa tiirarka muhiimka ah ee waqtigooda galiyey ka shaqaynta nabadda iyo xasilloonida ummadda Soomaaliyeed, laguna xasuusan doono halgankiisii dowlad-dhiska Soomaaliya.

“Ugaas Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa haldoorka Soomaaliyeed ee door muuqda ka soo qaatay dhaqanka, nabaddeynta iyo midnimada bulshada. Wuxuu ahaa hoggaamiye bulsho, codkiisana ugu hiilin jiray nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowladimada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, ayaa qoyska, ehelka, iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida Ugaaska, isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Q/Midoobay oo Bilyan Dollar u dalbatay wax ka qabashada abaaraha Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo kooxda Taalibaan ku wareejiyay Maxbuus muddo 15-sanno ah u xirnaa

Cabdi Cade

Xulkii labaad oo galabta ka haray Ciyaaraha dowlad goboleedyada ee ka socda Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---