Beel ka digtay Dhul boob ka socdo deegaanka Jaziira (Daawo Sawirada)

Kulan maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay odayaasha , culumaa’udiinka, cuqaasha ,dhalinyarada & haweenka beel weynta sheekhaal Jaziira , kulankan ayaana looga dhiidhinayay dhul boob ka socda deegaan weynaha Jaziira.

Waxaa kulankan goob joog ka ahaa Suldaan Nuur Xaaji, Nabadoon Maxamed Weli, Ugaas Axmadey iyo Suldaan Bin Cali, waxa ayna Waxgaradka si adag uga horyimaadeen dhul boob la sheegay in uu ka socdo deegaanka Jaziira.

Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay Ahmed Haji Abukar oo wakiil ka ahaa qurbo joogta beesha Sheekhaal, waxa uuna sheegay in ay ka digayaan dhul boobka lagu hayo deegaanka beesha.

         Ugu Dambeyn kulanka ayaa laga soo saaray War Saxaafadeedkan

Waxaa manta ooay taariikhdu tahay 24/shacbaan 1440h = 30-4-2019m shir balaaran isugu yimid odayaasha , culumaa’udiinka, cuqaasha ,dhalinyarada & haweenka beel weynta sheekhaal & dhamaan beelaha banaadiriga shirkaas oo ay ujeedadiisu aheyd in laga dhiidhiyo dhul boobka ka socda deegaan weynaha jaziira waxaana ka soo baxay shirkaas go’aamadan soo socda:

1- Dhulka Deegaanka Jaziira oo ka bilawda Airboorka Aadan Cade ilaa iyo Deegaanka Dhanaane wuxuu ilaahey makansiiyey oo iska leh beel weynta shiikhaal jaziira sidaas darteedna waa in cidkastaa lagu ixtiraamo meeshii uu ilaahey makansiiyey leyskuna deyin in la boobo.

2 .Waxaan uga digeynaa cid kasta oo ku howlan qabsashada iyo iibsashada dhulka deegaanka jaziira sida shirikadaha qaarkood, bangiyada, ganacsatada,qabaa’ilada, shaqsiyaatka iyo doowladaha caalamka in aysan meel cidla’ah ku bixinin lacagtooda oo aysan ka qeybqaadanin boobka dhulka ama deegaanka beel weynta shiikhaal jaziira.

3-dhul boobka kuma eka deegaanka jaziira e wuxuu ka socdaa dhulal badan oo kamid ah dhulalka beelaha banaadiriga sida gendershe,marka ilaa baraawe,hadaba halaga digtoonaado boobka dhamaan dhulalkaas. Hogaanka Shiikhaal Jaziira القيادة لشيخال جزيرة

4-Sida leysugu deyaayo boobista dhulka ayaa waxaa jirta in dhanka siyaasadana lagu dulmay reer jaziira oo xildhibaanada ay ku lahaayeen dawlada dhexe la duudsiiyey iyagoo dawladihii soo maray dalka oo dhan ay ku lahaan jiray xildhibaano.

5-Ugu danbeyntii waxaan halkaan Baaq & Codsi uga Direynaa:

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Mudane: Max’ed C/laahi Farmaajo.

Raysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Somaliya Mudane: Xasan Cali KHeyre.

Madax weynaha Dawlad Goboleedka Koofur Galbeed: Mudane C/caziiz Xasan Maxamed(lafta gareen).

Gudoomiyaha Baar lamaanka Dawlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane:C/qaadir SHariif SHeekhunaa Maye.

Maxkamadda Sare ee Dowladda Federaalka & Maxkamadaha Caalamiga , hadaba dhamaan madaxdaas waxaan ka codsaneynaa in ay wax ka qabtaan cabashadeena aadan dhul boobka ka socda deegaanka shiikhaal jaziira .

Mahadsanidiin Wabilaahi Towfiiq

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -