Haweeney Soomaali ah oo Maxkamad loo soo taagay dilka Wiil ay ayeeyo u tahay (Sawirro)

Haweeney Soomaali ah oo la yiraahdo Foos Cabdi Xaashi oo 70-jir ah ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalada San Jose ee Gobalka California ee dalka Maraykanka, iyadoo lagu soo eedeeyey dilkii wiil 3 jir oo ay Ayeeyo u ahayd

Boliska Degmadda Milpitas ee isla Gobalka California waxay sheegeen inuu falkaasi dhacay maalintii Isniinta ee isbuucii hore, kadib, markii laga soo wacay Telefoonks 911, waxayna sheegeen inuu ilmaha yar hal saac kadib ku geeriyooday Isbitaal ku yaallaa Degmadda Milipitas oo ku taalla Koonfurta magaaladda San Francisco.

Gabar la dhalatay wiilka geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Ayuub waxay u sheegtay Boliska inay daawanaysay markii ay Ayeeyada wiilka yar dhulka ku tuurtay.

Ayeeyada waxay Boliska u sheegtay inuu wiilka yar hunqaacayey, kadibna uu geeriyooday, markii ay sarriirta seexisay, si uu u nasto.

Shabakadda Wararka ee AB7 News ayaa qortay in Foos Cabi Xaashi lagu soo oogay dilka ilmahaasi oo ah heerka 1-aad ee fal-dembiyeedka dilka.

Dacwad-ooge Luis Ramos waxa uu dhegeysiga Dacadaasi ee Jimcihii la soo dhafaay waxa uu tilmaamay in caddaymaha ay hayaan u muuqdaan inay Ayeeyada ka dambeysay geerida wiilka yar ee la oran jirey Ayuub

Garsooraha waxa uu dib u dhigay dhegeysiga dacwadaasi oo dib loo qaadi doono bisha soo socota ee May 8-da, waxayna muteysan kartaa Xabsi 25- sanno, haddii lagu helo dembigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -