Burcad badeed weeraro ka waday badweynta India oo gacanta lagu dhigay (Daawo Sawirro)

Ciidamada Midowga Yurub ee ka hortagga iyo la’dagaalanka burcad beedda xeebaha Soomaaliya ayaa shaaciyay inay qabteen shan ka tirsan burcad-beedda Soomaalida oo weerarro geysanayey todobaadkan.

Qoraal ka soo baxay hawlgalka Midowga Yurub ee EU NAVFOR ayaaa lagu sheegay in kooxda la qabtay ay Jimcihii hore xeebaha Soomaaliya ka afduubteen dooni kalluumeysi oo laga leeyahay waddanka Yemen kadibna ay doontaasi u adeegsadaan iney weeraro qaadaan.

Burcad-badeedda ah oo adeegsanaya doontii ay af-duubteen ayaa talaadadii ina dhaaftay weerar ku qaaday doonni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Koonfur Kuuriya xilli ay maraysay badweynta Hindiya meel 280 miles u jirta xeebaha Somalia sida ay sheegtay EU NAVFOR inkastoo ay ka badbaaday, waxaana jiray weeraro kale oo ay qaadeen kooxdan burcad badeeda ah.

Ciidamada Midowga Yurub ayaa sheegay in kadib dhacdooyinkan ay direen dayuuarad nooca sahanka ah oo soo heshay halka lagu haysto doontii Yemen ee la af-duubtay jimcihii hore, waxaana ka dib hawlgal ay ku qaadeen halkaasi lagu qabtay 5 burcad-beeda oo afduub u haystay doonnida , 23 qof oo saarnaa iyo doontiina waa la sii daayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -