Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

QM oo balan-qaad u sameysay dowlada Somalia & James Swan oo War soo saaray (Akhriso)

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 59aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.

“Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhamaan dadka Soomaaliyeed, ee kala jooga halkan iyo dunida dacaladeeda. In-kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana maanta waa malin ay dadka Soomaaliyeed  ku faani karaan horumarka la sameynayo,” ayuu yiri Md. Swan. “Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad abuuraysa rajo laga qabo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo badan.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka waxay si dhow ula shaqaynayaan dadka iyo madaxda Soomaaliyeed si ay uga caawiyaan inay horumar ka gaaraan amniga, horumarinta dhaqaalaha, maamul wanaagga, u-wadadhamaansho iyo la tacaalidda baahida bani’aadanimo. Qaramada Midoobay waxay u dabaabldegeysaa sanad guuradan iyadoo u ballan-qaadaysa dadka Soomaaliyeed garab-istaag bilaha iyo sanadaha soo socda.”

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka Kibaki oo lagu soo bandhigay Nairobi & Madaxweyne Kenyatta oo (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga doorashada Somaliland oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala Saxiixday Heshiis gaaraya 92 Milyan Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---