Mid ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada & ku-xigeenkiisa oo dacwad laga gudbiyey

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanaha xoolaha ee maamulka Hir-Shabeelle Dr. Xuseen Cismaan Cilmi ayaa sheegay inay dacwad u gudbiyeen Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, taasoo ku aadan madaxda Maamulka Hirshabelle.

Sida uu sheegay Dr. Xuseen Cismaan Cilmi xubnaha dacwada gudbiyay ayaa gaaraya 11 xubnood oo ka tirsanaa wasiiradii hore ee maamulka Hirshabelle, waxayna sheegeen inay muddo 15 bilood aysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa.

Dr. Xuseen ayaa waxaa uu sheegay in Maalinta Isniinta ah dacwada la guda geli doono, isla markaana ay cadaalad ka sugayaan Maxkamada sare ee dalka.

Dhanka kale madaxda Hirshabelle ayaan illaa hadda ka jawaabin eedana loo jeediyay iyo dacwada laga geeyey maxkamada sare ee dalka, waana markii ugu horeysay ee Maxkamada sare la geeyo dacwad ka dhan ah mid ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -