Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda oo kasoo horjeestay in Dowlada Farmaajo waqti kororsi sameysato

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay wado dadaalo ay ku dooneyso in mudo kororsi ku sameesato.

Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo waxgarad, waxaana la sheegay in uu kala hadlay damaciisa ku aadan in mudo dheeraad ah loogu daro dowladiisa.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan in dowlada isku daydo marka waqtigeeda dhamaado in mudo dheeraad ah ku darsado.

”Sida aan uga soo horjeedo Dowlad aan xilligii loo doortay dhammaan in la isku dayo in Madaxweynaheeda la maja xaabiyo oo laga rito kursiga, si le’eg ayaan uga soo horjeedaa marka Dowlad wakhtigeedu dhammaadaanayo in ay isku daydo in ay kororsato ama ay ulakac uga baaqsato qabanqaabada doorasho si ay isaga sii joogto.” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Waxa uu sheegay Yuusuf Garaad in aysan dan u aheyn nidaamka siyaasadeed in dowlada shaqeeneysa oo waqtigeeda dhamaan la rido ama sidoo kale dowlada waqtigeeda dhamaaday mudo kororsi sameesato.

Hadalka Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili uu soo baxayo shaki laga qabo in dowlada hada jirta damac uga jiro in mudo kororsi sameyso kadib markii ay ku fashilantay in daka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -