Afhayeenkii hore Al-shabaab oo la sheegay in la dhaawacay & Saraakiil kale oo la dilay

Ugu yaraan 12 ka mid ah xoogaga Alshabaab ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe, sida uu sheegay ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Mudane Aadan Isaaq Cali.

Waxaa uu intaa ku daray in Duqeynta dhinaca cirka ah lala beegsaday xalay goob ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan Alshabaab oo gaarayay 37.

Dadka duqeynta lagu dilay ayuu sheegay iney ku jiraan Labo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Maleeshiyada Alshabaab, halka dhaawac culus uu kasoo gaaray Xasan Yacquub oo ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Alshabaab, horayna u soo noqday Afhayeenka Kooxdaasi waa sida wasiirku sheegay.

Weerarka cirka ah ayaa lala beegsaday Iskuul ku yaalla magaalada Saakow waxaana ku dhintay saddex carruur ah halka saddexda kalena ay ku dhaawacmeen sida dadka degaanku sheegeen.

Al Shabaab ayaa dhinacooda sheegay in degmada aanay ku sugnayn saraakiil iyaga ka tirsan markii duqaynta la fulinayay, iyadoo duqaynta sidoo kale burbur u gaysatay isbitaalka Saakow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -