Duqa Muqdisho oo Xoghaye Degmo u magacaabay Wariye caan ka ahaa Muqdisho

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa xilka looga qaaday Xoghayihii degmada Xamar Weyne Maxamed Xirsi Xasan.

Duqa Muqdisho Wareegtada kasoo baxsay ayaa lagu magacaabay xoghayaha cusub ee degmada Xamar Weyne oo loo magaacaby Ceydiid Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa Wariye can ka ahaa magaalada Muqdisho.

Wariyahan ku biiray maamulka Degmada Xamar Weyne ayaa kasoo shaqeeyay Idaacado kala duwan oo Muqdisho kuyaala, waxa uuna caan ku ahaa uu tabin jiray Wararka la xariira ciyaaraha dalka iyo dibadiisa.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmihii lasoo dhaafay isbadal ku sameenayay Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir, kuxigeenada iyo sidoo kale xoghayaasha, waxaana markan fursad u helay in maamulka degmooyinka kamid noqdaan Wariyaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -