(Sawirro) Wararkii u dambeeyey weerar weli ka socda dhisme ku yaalla xaafada Mirinayo

Dagaal la isku habeensaday ayaa weli ka socda dhisme ku yaala xaafada Mirinaayo oo ka tirsan degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho. kaasoo dhexmaraya ciidamada amaanka DF iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo gudaha u galay gurigaas.

Weerarka ayaa ka bilowday qarax uu afaafka laga galo gurigaas ka fuliyey qof ismiidaamiyey, waxaana ka dib gudaha u galay illaa afar dagaalyahan oo ku hubeysan qoryo iyo bambooyin, iyagoo aagaas laga maqlayo tacshiirad culus iyo qaraxyo.

Dhismaha la weeraray ayey wararku sheegayaan inuu degenaa sarkaal sare oo ka tirsana ciidamada dowlada, waxaana sidoo kale lagu hayey qaar ka mid ah dhaawacyada ciidanka Macawisley ee ka dagaalamaya gobolka Hiiraan iyo degaano kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in meydad iyo dhaawac ah laga soo saaray guriga, halka ay weli xaniban yihiin dad kale oo aan la ogeyn nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin.

Ciidamada amaanka DF ayaa xiray dhamaan jidadka soo gala gurigaas, waxayna wadaan dedaal lagu soo badbaadinayo dadka ku xaniban dhismaha, isla markaana lagu soo afjarao weerarka.

Al-Shabaab oo hadal ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay inay fuliyeen weerarka, islamarkaana ay gudaha u galeen guriga oo sida ay sheegeen ay ku sugan yihiin saraakiil sare.

Waxay kaloo sheegteen Al-shabaab inay tobannaan ka tirsan Macawiisley iyo saraakiil ay ku dileen weerarka, Dhinaca Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -