Turkiga oo xabsiga dhigay labo ruux oo Imaaraadka u dhashay iyo sababta keentay 

Howlgal ciidamada amaanka dowlada Turkiga ka sameeyeen magaalada Istanbuul ayaa lagu soo qabtay labo ruux oo la tuhmayo in ay basaas u ahaayeen dowlada isutaga Imaaraadka Carabta.

Labadan ruux ay xireen ciidamada Turkiga ayaa sidoo kale la baarayaa in ay ku lug lahaayeen dilkii loo geestay Wariyihii u dhashay Sacuudiga Jamal Khasoggi oo lagu dhax dilay qunsuliyada Sacuudiga ku leeyahay Istanbuul.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu, ayaa  sheegtay in raggaani uu xarigooda qeyb ka yahay baaritaan ay dalbadeen dacwad oogayaasha Istanbul, kaasoo ku saabsan falal jaajuusnimo ah oo lagu eedeeyay Imaaraadka.

Ciidamada Turkiga labadan qof ay xireen oo ah muwaadiniin u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay xiriir la sameeyeen qof ay booliska kor kala socdeen oo lagu tuhunsanyahay inuu ku lug leeyahay dilka wiriyihii u dhashay Sacuudiga Jamal Khashoggi.

Dowlada Turkiga ayaa uga shakusan Imaaradaka Carabta in dalkeeda usoo direen basaasiin xoga uga gudbiya Turkiga, waxaa sidoo kale Turkiga kordhisay howlaha sirdoon ay uga  horgtageyso dadka basaasiinta ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -