Galmudug oon Aqoonsan doonin Natiijada kasoo baxda shirka ka furmay Garawe

Waxaa shalay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ka furmay shirka Golayaasha Xeer-dejinta Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada dalka, waxaana shirkan aan lagu casuumin gudoonka Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka furmay magaalada Garawe aan lagu casuumin maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Cali Gacal Casir in Madaxda maamulka Puntland ay ka dambeeyeen in aan shirka lagu casuumin Galmudug , waxa uuna cadeeyay in maamulkoda uusan aqoosan doonin waxii natiijo ah ee shirkaasi kasoo baxa.

”Shirka Garawe ka furmay nalaguma casuumin hadii aan Galmudug nahay, markaan xariiro kala duwan sameeyay waxaan ku ogaaday in Madaxda Puntland ka dambeeyeen in shirka nalaga reebo, waxaana cadeenayaa waxii natiijo ah oo shirkaasi kasoo baxa in aysan aqoonsan doonin wax shaqo ahna aysan ku laheyn Galmudug” Ayuu yiri Cali Gacal.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in shirka ka furmay magaalada Garawe uu yahay mid khilaaf cusub ka dhex abuurayo Hay’adaha sharci dajinta dowlada Goboleedyada.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u aqoonsan Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug, waxaana dhawaan lagu casuumay khudbadna uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee Golaha shacabka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -