Waa Maxay Coronavirus? (Baro Calaamadaha lagu garto iyo sida looga hortago)

Coronaviruses (CoV) waa qoys balaaran oo fayraska kamid ah wuxuuna keena cuduro aad u tiro badan, kuwaasoo ku bilawda sida hargabka ugu danbeyna noqda cudur aad u daran.

Noocyada Coronavirus qaarkood waa halis, Qiyaastii 858 qof ayaa u dhintey cudurka looyaqaano Middle East respiratory syndrome (MERS-CoV) waxaana sababa nooc ka mid ah CoronaVirus, kaasoo markii ugu horeeysay sanadkii 2012 kasoo muuqday dalka Sacuudiga, ka dibna waxaa lagu arkay dalal kale oo ku yaalla Bariga Dhexe, Afrika, Aasiya, iyo Yurub.
Bishii April 2014, qofkii ugu horeeyay ee Mareykan ah ayaa cusbitaal loo dhigay cudurka MERS gudaha Indiana, sidoo kale isla xiligaas kiis kale ayaa laga soo sheegay magaalada Florida.

Sidoo kale bishii May 2015, cudurka MERS wuxuu ka dilaacay gudaha dalka Kuuriya, kaasoo ahaa faafitaankii ugu balaarnaa ee ka baxsan Jasiiradda Carbeed oo uu cudurkaasi sameeyo. Sanadkii 2003, 774 qof ayaa u dhintey cudurka daran ee ku dhaca neef mareenka loona yaqaano Severe Acute Respiratory Syndrome (SARS) oo uu sababo noc kale oo kamid ah CoronaVirus, laga soo bilaabo sanadkii 2015, ma jiraan warbixino dheeri ah oo la xiriira kiisaska cudurka SARS.

Laakiin horaantii 2020, ka dib markii bishii December 2019 uu ka dillaacay Shiinaha cudir cusub oo aan horey loo arkin, Baaritaano joogta ah iyo dadaal dheer kadib Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO wuxuu aqoonsaday nooc cusub oo kamid ah qooyska CoronaVirus, waxaana loo aqaansaday magaca ah: 2019 Novel Coronavirus (2019-nCoV).

Cudurada Coronaviruses waa zoonotic diseases oo micnaheedu yahay waa cudir ay isku gudbiyaan xoolaha/xayawaanka iyo dadka.

Baadhitaanno iyo cilmibaaris ayaa lagu Khubarada caafimaadka ayaa ogaadey in SARS-CoV asal ahaan laga soo gudbiyey bisadaha guri joogta ah kaasoo usoo gudbay bani aadamka, sidoo kale cudurka MERS-CoV ayaa isagana lasheegay inuu bani aadamka ugasoo gudbay Geela (dromedary camels). Sidoo kale waxaa jira noocyo kale oo CoronaVirus ah kuwaas oo ku dhaca xayaawaanka walina aan usoo gudbin ama aan laga helin bani aadamka.
Calaamadaha CoronaVirus.

CALAAMADAHA CAABUQA CORONAVIRUS?

Astaamaha lagu yaqaano coronavirus waxaa ka mid ah:
• Astaamaha cudirada neef-mareenka.
• Qandho,
• Qufac.
• Neefsashada oo gaaban ama neefta oo adkaata.
Xaaladaha aadka u daran ee infakshinkaan wuxuu sababi karaa
Oof-wareen, xanuun daran oo xagga neefsashada ah, kaliyaha oo shaqa gaba ugu danbeeyna wuxuu sababi karaa dhimasho.

SIDUU KU FAAFAA CORONAVIRUS?

Baaritaanada ay sameeyeen hawl wadeenada caafimaad ee ku hawlan feyraskaan ayaa sheegaya dadka ugu badan ee laga helay viruskaan in ay la xariiraan cuntooyinka badda laga keeno ee loo yaqaano (seafood) iyo suuqa lagu iibiyo xoolaha nool, waxayna hawl wadeenadu soo jeediyeen in cudurkaan uu ka imaaday xayaawanka. Sikastaba ha ahaatee, cudurkaan ayaa ah mid dadku ay is qaadsiin karaan qaab dheecaanka candhuufta ah xiliga qufaca iyo Hindhisyada.

YAA HALIS UGU JIRA CORONAVIRUS?

Waxaa halis ugu jira.
• Qof kasta oo xariir toos ah lasameeya bukaanka qaba cudurkaan ama xanbaarsan viruska.
• Dadka kunool goobaha laga helo virus-kaan ama ka ag dhaw bukaano la ildaran xanuunka.
• Dadka qaba ama unugul cudurada ku dhaca habdhiska neef mareenka.
• Dadka qaba cudurada dabada dheeraada ama chronic diseases sida: Cudurka macaanka (diabetes), cudurka sambabaha ee daba dheeraada (chronic lung disease), dadka Kaliyaha ka jiran (pre-existing kidney failure), dadka uu liito difaaca jirkooda
• Dadka da’da ah iyo caruurta yaryar ayaa laga yaabaa inay aad halis ugu jiraan.

DAAWO MALEEYAHAY CORONAVIRUS?

Si guud cudurkaan ama virus-kaani malaha wax daawo ah, laakiin waxaa jira qaab loo yaqaano la tacaalida calaamadaha, sidaas daraadeed Waxaad u daweynaysaa ama ulatacaashaa infakshinka coronavirus si la mid ah sida aad u daaweyso ama loola tacaalo hargabka:

• Samee cabid badan ama qaado dareere badan sida viyaha caanaha IWM.
• Qaado ama sii bukaanka Nasiino dgeeraad ah.
• Qaado Daawooyinka loo qaato Cuna xanuunka (sore throat) iyo Qandhada, Laakiin ha siinin Asprin carruurta ama dhallinyarada ka yar 19, Isticmaal ibuprofen ama acetaminophen bedelkeeda.
• Ku maydhashada/Qubeyska biyaha qandhaca ah ama diirimaadka ayaa sidoo kale kaa caawin kara fududeynta xanuunkacunaha iyo xoqitaanka.

SIDEE LOOGA HORTAGAA CORONAVIRUS?

Talooyinka caafimaad ee looga hortago faafitaanka cudurkaan waxaana ka mid ah:
• Gacmo-dhaqista joogtada ah.
• Daboolida afka iyo sanka xiliga qufaca ama hindhisada iyadoo la isticmaalayo tiish ama laabatada xagasha gacanta.
• xoojinta difaaca jirka
• In si fiican loo kariyo hilibka iyo ukunta iyo waliba gud ahaan cuntada.

W/D: Dr. Aazan Aadan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -